Guddoomiyaha baarlamaanka Lebanon oo markii toddobaad la doortay

0
583

Xeer dejiyaasha dalka Lebanon ayaa markii toddobaad oo xiriir ah xilka guddoomiyaha golahaasi u doortay Nabih Berri.
Waxay ku ammaaneen kaalinta uu ka qaatay arrimaha siyaasadda ee wadankaasi.
Berri oo 84 sano jir ah ayaa ka mid ah guddoomiyaasha baarlamaannada caalamka ee ugu muddada dheer.
Waxaa uu xilkan hayaa muddo 30 sano ah.
Muddo afar sano oo dheeraad ah ayuu sii ahaan doonaa guddoomiyaha baarlamaanka dalka Lebabon ka dib markii ay codkooda ku taageereen 65 ka mid ah 128-ka xubnood ee golaha xeer dejinta dalkaasi.