Iyadoo maanta oo kale sanad waliba caalamka looga dabbaal dego maalinta tubaaka la’aanta adduunka ayay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO sheegaysa in sanad kasta ay dhintaan kala bar dadka tubaakada isticmaala.
Sanad waliba caalamka oo dhan waxaa isticmaalka tubaakada ay galaafata nolosha in ka badan 8 milyan oo qof.
In ka badan 7 milyan waa dadka sida tooska ah u isticmaala halka
1.2 milyan ay saameyn dadban ka soo gaarto.
In ka badan boqolkiiba 80 ee 1.3 bilyan oo qof oo dunida ku isticmaala tubaakada waxay ku nool yihiin waddamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay ama hooseeya.
Sanadkii 2020, waxaa tubaakada isticmaalay boqolkiiba 22.3 ee dadweynaha caalamka. Boqolkiiba 36.7 ee dadkan waxay ahaayeen rag halka boqolkiiba 7.8 ay dumar ahaayeen.