NCIC oo soo saaraysa warbixin ku saabsan meelaha ay rabshadaha ka dhici karaan

0
718

Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa lagu wadaa inuu maanta soo bandhigo liiska meelaha laga cabsi qabo inay ka dhacaan rabshado la xiriira doorashada guud ee bisha Siddeedaad.
Guddiga ayaa horay bayaan ugu sheegay in 31 ka mid ah ismaamullada wadanka ay ka dhici doonaan doorashooyin inta badan nabad ah.
NCIC waxay hoosta ka xarriiqday inay adeegsan doonto dhacdooyin horay loo diiwaangeliyay si shacabka loogu boorriyo muhiimadda nabadgalyada.
Guddiga ayaa sheegay inuu si gaar ah isha ugu hayo 33 ka mid ah dowlad deegaanada dalka si doorashada guud ka hor aynan rabshado uga dhicin.
Dhanka kale saraakiisha ammaanka ayaa la siiyay qalab lagula socon karo hadallada ay jeedinayaan siyaasiyiinta ka hor doorashada, inta lagu guda jiro iyo marka ay codeynta soo idlaata ka dib.
Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa adeegsanaya hal ku-dhigga #ElectionsBilaNoma oo ay micnaheedu tahay doorashooyin nabad ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Axaddii la soo dhaafay uu si rasmi ah gudaha wadanka uga billowday olole siyaasadeed oo soconaya labo bilood.