Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta Baydhaba ku wajahan

0
578

Waxaa lagu wadaa maanta oo Talaado ah in Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii la doortay 15-kii bishan ku tago Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.
Shalay waxaa Magaalada Baydhabo gaaray wafdi horudhac u ah safarka Madaxweynaha oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud ayna qayb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.
Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa Maanta markii uu tago Magaalada Baydhabo waxaa isaga iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamad (laftagareen) ay xarigga ka jari doonaan dib u dhis lagu sameeyay Xarunta Madaxtooyada ee uu ku Shaqeeyo Maamulka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda ugu sarreeysa Maamulka Koonfur Galbeed, Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Waxaa Magaalada Baydhabo si wayn looga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana Goobaha qaar lagu dhejiyay Sawirradiisa.
Waa safarkii ugu horreeyay ee Madaxweynaha Soomaaliya uu Magaalada Muqdisho kaga baxayo tan iyo markii la doortay, waxaana sidoo kale la filayaa inuu tago maamullada kale.