Mw Xasan Sh oo ka qayb galay salaadda Janaasada ee marxuum Cabdullaahi Shirwac

0
552

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsinta Maxamad Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad, Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo dadweeyne kale ayaa masjidka Isbeheysiga ee magaalada Muqdisho salaadda Janaasada kula tukaday Marxuum Cabdullaahi Maxamad Shirwac.
Marxuum samafale Cabdullaahi Maxamad Shirwac ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, halkaas uu ku xanuunsanaa maalmihii la soo dhaafay.
Mas’uuliyiinta ka qayb ka gashay Salaadda Janaasada Marxuum Cabdullaahi Maxamad Shirwac ayaa Alle waxa ay uga baryeen in uu Jannadii Firdows ugu deeqo Shirwac oo ka mid ahaa dadkii sida wayn uga soo shaqeeyay nabadeynta dalka iyo u adeegidda bulshada xilliyadii adkaa ee wadankaasi Soomaaliya soo maray.