Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Cayaaraha Champions:Real Madrid oo ku guuleysatay markii 14-aad koobka Champions league

Champions:Real Madrid oo ku guuleysatay markii 14-aad koobka Champions league

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku guuleysatay tartanka koobka kooxaha horyaallada Yurub ee Champions League markeedii 14-aad ka dib markii ay 1-0 ay ku garaacday Liverpool kulan ay inta badan cayaarta maamulaysay naadiga tababare Klopp.
Real Madrid ayaa sii dheeraysatay tirada koobabka Champions League ee ay haysato, waxeyna laba jibbaar ka badan tahay kooxda kusoo xigta ee AC Milan, halka Bayern Munich iyo Liverpool ay min lix jeer haystaan koobkan.
Ciyaartan oo inteeda badan ay maamulaysay Liverpool ayaa waxa wacdaro dhigay goolhaye Thibaut Courtois oo ah halyeyga ku suntan guusha Real Madrid, iyadoo in ku dhow toban kubadood oo halis ahaa uu ka badbaadiyey ciyaartoyda Liverpool, kuwaas oo inta ugu badan uu ku toogtay Maxamad Saalax.
Gool madi ah oo billowga qaybta labaad uu dhaliyay xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior ayaa Real Madrid ku hoggaamiyay guushan wayn ee taariikhiga ah, iyadoo noqotay naadiga kooxihii ugu waaweynaa xilli ciyaareedkan karbaashay.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa Real Madrid laga diiday gool uu u dhaliyey Karim Benzema oo ilaa saddex daqiiqadood ay VAR ku mashquulsanayd xaqiijintiisa, kaas oo ugu dambeyntii ay garsooreyaasha dhexe ku raacday inay offside tahay, iyadoo 45-kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta ay Liverpool goolka toogatay toban jeer, halka Real Madrid ay hal mar oo kaliya ay iskuday sameysay.
Kubbad uu dhinaca midig ka keenay xiddiga reer Uruguay ee Fede Valverde oo uu weydaariyey difaacyahannada Liverpool ayaa waxa daqiiqaddii 59-aad meel cidlo ah ka helay Vinicius Junior oo lugta midig ku dhamaystiray, waxaanu goolkaasi noqday midka guusha u horseeday Los Blancos.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Real Madrid, waana markii 14-aad ee ay ku guuleystaan koobkan iyo markii shanaad ee toban sanadood gudahood ay qaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments