Milatarigii Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Rag Shabab ah

0
1054

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab waxaay ka sameeyeen Deegaano hoos-yimaada Deegaanka Awdiinle ee Gobalka Baa
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay 4-ruux oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo ay sheegeen inay dhibaato ku hayeen dadka Shacabka ah ee Deegaanka Awdiinle ku nool.
Sidoo kale Saraakiisha aya sheegay in howlgalka uu Yimid kadib markii ay Ciidamada heleen xog ku saabsan in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku sugan yihiin degaano u dhow deegaanka Awdiinle ee gobolka Baay.
Saraakiisha ayaa soo bandhigay afarta Ruux iyo hubkooda oo ay howlgalka kusoo qabteen, kuwaasoo la geeyay Saldhiga degaanka Awdiinle ee Gobolka Baay ee MaamulGoboleedka Koonfur Galbeed.
Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxaay weerar ku qaadeen degaanka Awdiiinle, waxaana sidoo kale jirta in mararka qaar Ciidamada dowladda & kuwa Koonfur Galbeed ay fuliyaan howlgallo looga hortagayo weerarada shabaabka halkaas ka gaystaan.