DHAGEYSO:Madaxweyne Xasan Sh: Doorasho dambe kama dhaceyso Teendhada Afisiyooni

0
509

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad lagu bogaadinayay Guddiyadii ka soo shaqeeyay Doorashadii dalkaasi ayaa ka hadlay arrimo badan oo maamulkiisa uu wax ka qaban doono inta ay talada joogaan.
Waxaa uu sheegay in qorsheyaasha ugu horreeya ay fulin doonaan uu noqon doono meel marinta Dastuur la isku waafaqsan yahay oo dhinacyada Bulshada ay heshiis ku yihiin.
“Inta dastuurku qabyo naga yahay, siyaasiyiin heshiis ma nihin weli, maalinta Dastuurka ka heshiino, waa marka Siyaasaddeenu xowliga sare ay ku socon doonto, meeshaas ayaana u soconnaa” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, waxaa uu ballanqaaday in Doorashada 2026 ee Madaxweynaha aanan dib loogu noqon doonin teendhada Afisiyooni oo hore ay uga dhaceen Doorashooyinkii Madaxweynaha.
“Ballanteena caawa aan shacabka Soomaaliyeed aan ka codsanayo in ay nagu garab siiyaan, waa in 2026 ilaahay idinkii aan Teendhada loo noqonin” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh.
Isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Doorashada soo socota tuulooyinka iyo magaalooyinka ayaa lagu soo dooranayaa xildhibaannada, waana ka gudbinayaa in caasimadaha maamullada”.
Waxaa uu ugu dambeyn ballaanqaaday inuu ku dadaali doono sidii looga gudbi lahaa doorashada dadban.
Mar uu arrimaha ka hadlay ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya