Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansaxiyay in xildhibaan Mahad Maxamad Salaad uu noqdo Taliyaha Hay’adda Nabad- Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.
Waxaa ay golaha Wasiirrada iska leeyihiin soo jeedinta iyo magacaabista Taliyaha Nabad Sugidda, waxaana uu sharci noqonayaa marka uu oggolaado oo uu saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya.
Mahad Maxamad Salaad oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, waxaa aad loogu yaqaanay inuu ka mid ahaa xubnihii ugu cad cadaa mucaaradka dowladdii Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Waxaa kale lagu tiriyaa inuu ka mid yahay saaxiibada ugu dhow Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud xagga siyaasadda.
Mr. Mahad Salaad ayaa buuxin doono haddii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ansaxiyo, Booskii laga eryay taliyihii hore ee Nabad sugidda Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, booskaas oo uu si ku meel gaar ah uu u sii hayay Yaasiin Farey oo isna noqday xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.