DHAGEYSO:Shacabka Gobolka Shabeelada dhexe oo ka Cabsi qabo fatahaadaha wabiga

0
602

Gobolka shabeelada dhexe oo Sanadkasta ay Saameeyaan fatahaadaha wabiga ayaa shacabka ku nool waxay ka cabsi qabaan in Beerashadu ku adkaato maadaama meelihii wabigu Jabsaday fatahaadihii hore aan wali laga awdin oo markale inuu fataho u sahlan tahay.
Beeraleyda degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegay inay aad ugu walaacsanyihiin fatahaadaha.
C/laahi Xassan Shucay oo ah gudoomiyaha Tuulada Shiidle Bari oo hoostagta degmada Mahadaay ee gobolka shabeelada dhexe ayaa sharaxaad ka bixinaya dhibaatada ay fatahaadihii hore gaysteen ee aan wali Xalka loo helin.

Dhanka kale wararka ka imaanaya isla gobolka shabeelada dhexe ayaa Waxay sheegayaan inay gabaabsi noqdeen Cunooyinka Qutul Daruuriga ah ee Magaalada Jowhar kadib markii dagaalameyaasha Al-shabaab ay cadaadis saareen Gawaarida safarada sida ee Magaalada Jowhar ku Wajahan.
Qaar ka mid ah Ganacsatada Magaaalada Jowhar ayaa sheegay in maalinkasta ay sare u sii kacayso qaymaha Cunooyinka kale duwan halka dadka danyarta ahna ay sheegeen inay saamayn weyn soo gaadhay.