SAWIRO:Imaaraadka Carabta oo dowladda Soomaaliya ku wareejiyay lacag dhan 9.6 milyan oo doolar

0
733

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa goobjoog ka ahaa munaasabad ay dowladda Imaaraadka Carabtu ay Soomaaliya ugu wareejinaysay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Doolar.
Lacagtaan ayaa waxaa ay ahayd mid horay dowladdda Imaaraadka Carabta sanadkii 2018-kii dowladda Soomaaliya ay ka xayirtay markii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho, balse uu dhawaan fasaxay Rw Rooble.
Lacagta ayaa waxaa dowladda imaaraadka ay ku wareejisay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, waxaana lacagtaan sida la sheegay ay ka mid noqon doontaa howlaha Shaqo ee dowladda Soomaaliya
Ra’iisul Wasaare Roooble ayaa Imaaraadka Carabta uga mahadceliyey kaalintooda ku aadan gurmadka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in la xoojin doono xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyay dowladdii uu hoggaaminayay Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, hayeeshee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble ay dib u soo celisay xiriirkii Soomaaliya iyo Imaaraadka.