Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Senatar Malala oo raaligelin bixiyay

Senatar Malala oo raaligelin bixiyay

Senatarka dowlad deegaanka Kakamega ee galbeedka dalka Cleophas Malala ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay inuu ka xunyahay oo uu raaligelin ka bixinaya hadal uu dhawaan jeediyay kaasoo la qoonsaday.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dareenkii uu muujinayay si uunan ugu talagelin loo soo bandhigay.
Senatarka ayaa xusay in aan marnaba la dhayalsan karin muhiimadda ciidamada ammaanka ay dalku u leeyihiin.
Waxaa uu sheegay in cid kasta oo hadalkiisa dhibsatay uu u sheegayo inuu ka laabtay oo uu ka raaligelinaya.
Falcelinta senatarka ayaa timid ka dib markii waaxda qaran ee adeegga booliska ay sheegtay inuu jeediyay hadal aan laga filan qof mas’uul ah maadaama uu adeegsaday ereyo xaqiraad laga dheehan karo.
In kastoo uu senatarka raaligelin bixiyay haddana afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna ayaa sheegaya in Malala uu ku dhaqaaqay arrin ka baxsan mabaad’iida hoggaamiyaha.
Hadalka senatarka ayuu ku tilmaamay mid aan dhadhan lahayn oo laga qoomamoodo.
Waxaa uu senatarka xusuusiyay in ciidamada ay sugaan amniga wadanka oo ayna ka mid yihiin kuwo aqoon xeel dheer leh sida dhakhaatiir, qareeno, injineerro , khuburrada culuunta sayniska , aqoonyahaanno haysta shahaadada PhD iyo kuwo kale.
Waxaa uu Oguna soo jeediyay in la qadariyo ciidamada ammaanka oo loo qiro sida ay naftooda ugu hurayaan badbaadinta nolosha iyo hantida shacabka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments