Nairobi: Aabbo xabsi daa’in lagu xukumay ka dib markii uu muddo 5 sano ah faraxumeynayay gabadhiisa

0
732

Maxkamadda Makadara ee magaalada Nairobi ayaa xukun xabsi daa’in ah ku riday nin 64 sano jir ah, ka dib markii lagu helay dambi ah inuu muddo 5 sano ah uu faraxumeeyn u gaysanayay gabadh yar oo uu dhalay oo haatan 11 sano jir ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale uu muddo hal sano u faraxumeyn kula kacayay gabadh uu adeer u yahay oo ay dhashay xaaskiisa.
Sida laga soo xigtay waaxda dacwad soo oogidda dalka ee ODPP, ninkan oo magaciisa lagu sheegay Saalim Bashiir ayaa falkan dhowr jeer sameyn jiray marka hooyada guriga iyo gabdhaha ay seexdaan gaar ahaan xilliyada habeenkii.
Xafiiska dacwad soo oogidda ayaa dhanka kale sheegay in labo dacwad ooge oo lagu kala magacaaba Mwanaidi Rama iyo Christine Achieng ay caddeeyeen kiiskan.
Gabdhaha ayaa dhawaan arrinkan ku wargeliyay hooyadood, ka hor inta aan arrintan loo sii gudbin saldhigga booliska ee Kamukunji.