Maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Mombasa ayaa la filaya inay go’aan ka soo saarto in barasaabkii hore ee Nairobi Mike Sonko uu ka qayb geli karo doorashada bisha Siddeedaad ee sanadkan iyo in kale.
Tani ayaa timid ka dib markii dhawaan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee (IEBC) la hor dhigay amar maxkamadeed oo u diidaya inuu musharraxiinta horay xilalka looga xayuubiyay u oggolaado inay tartamaan.
Mike Sonko ayaa wajahaya ilaa saddex dacwadood oo la geeyay maxkamadaha Mombasa iyo Eldoret oo dhammaantood looga gol-leeyahay in laga hor istaago qabashada xil hoggaan.
Bishii Diseembar ee sanadkii 2020-kii ayay ahayd markii Mike Sonko laga xayuubiyay xilka barasaabka dowlad deegaanka Nairobi wuxuuna hadda dadaal ugu jiraa sidii xilkan uu uga qaban lahaa Mombasa.
Shalay ayay ahayd markii guddoomiyaha guddiga IEBC ,Wafula Chebukati uu sheegay in madaxdii musuqmaasuq iyo hufnaan la’aan awgeed xilalka looga qaaday aan loo ansaxin doonin inay mar kale tartamaan.
Hasa ahaate Mike Sonko ayaa weli ku adkeysanaya in maxkamaddu aynan ku caddeyn eedeymihii loo cuskaday xilka qaadistii ka dhanka ahayd.