DAAWO:Xildhibaanno ku dhex dagaallamay baarlamaanka Somaliland

0
653

Gacan ka hadal ayaa maanta baarlamaanka ku dhexmaray xildhibaanada Golaha Wakiillada ee jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo u dhexeeyay xildhibaanada kala taabacsan xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadda.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii maanta Golaha Wakiillada la horgeeyay guddiga diiwaangelinta iyo ansixinta ururrada siyaasadda ee Somaliland kaas uu horeba khilaaf uga taagnaa, khilaafkaas oo u dhexeeyay xukuumadda iyo mucaaradka.
Waxaana markii dambe lagu guuleystay in cod loo qaado 7-da xubnood ee guddiga ansaxinta iyo diiwaangelinta ururrada siyaasadda Somaliland, waxaana guddigan horraan soo magacaabay madaxweynaha Somaliland.
Waxay goluhu diideen saddex ka mid ah guddiga halka ay ansaxiyeen afar xubnood.
Hoos ka daawo muuqaalka gacan hadalka ee xildhibaanada Somaliland