Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo si rasmi ah xilka ula wareegay

0
518

Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay ka dib munaasabad lagu qabtay madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Waxaa uu madaxweynihii hore uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu xilka ugu wareejiyay.
Madaxweynaha xafiiska baneeyay Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxweynaha cusub uga warbixiyay howlihii uu gacanta ku hayay ee u baahan in la dhameystiro kuwaas oo ay ka mid yihiin deynta cafinta iyo dib u dhiska ciidanka iyo ciidamada Soomaaliyeed ee dalka Eriteria muddo dheer tababar dheer ku maqan.
Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisa ay ku guuleysatay dacwadda badda ee kala dhexeysay Kenya.
Waxaa uu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub islamarkaana uu garab taagan yahay.