Maxkamad ku taalla Somaliland oo xukun ku riday suuxufiyiin

0
388

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa min hal sanno iyo afar bilood ku xukuntay wariyeyaasha kala ah Maxamad Ilig iyo Cabdijibaar Maxamad halka ay xorriyadiisii u soo celisay Cabdiraxmaan Khaliif.
Wariyeyaashaan ayaa dhawaan lagu xiray magaalada Hargeysa ka dib markii ay soo tabiyeen shaqaaqo ka dhacday xabsiga dhexe ee magaaladaasi.
Somaliland ayaa noqotay meelaha sida wayn loogu caburiyo saxaafadda Madaxa bannaan, waxaana wariyeyaashaan ay xirnaayeen ku dhawaad 40 cishso.