Madaxweynaha dalka oo ammaanay waxqabadka safaaradda Kenya ee Geneva

0
271

Hoggaamiyaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in safaaradda Kenya ay ku leedahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ay door muhiim ah ka qaadatay horumarinta danaha wadanka ee caalamka.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu galinkii dambe ee shalay si rasmi ah u furay qaybta lagu keydiyo dokumeentiyada dadweynaha ee safaaradda.
Mr. Kenyatta ayaa xusay inay lagama maarmaan tahay adeegsiga qaabab istaraatiijiyadeed si looga faa’iidaysto fursadaha qurbaha iyadoo nidaam dibloomaasiyeed loo marayo.
Waxaa uu wakiilka Kenya ee xafiiska qaramada midoobay ee Geneva , Ambasadoor Cleophas Mailu iyo howlwadeennada kale uga mahadceliyay inay muddadii loogu talagalay iyo miisaaniyaddii loo qoondeeyay ku dhameystireen dhismaha xarunta uu furay.
Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta halkaasi ku sugan kula taliyay inay dadaalkooda sii wadaan oo ay ilaaliyaan sumcadda iyo danaha qaranka.
Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda Ambasadoor Raychelle Omamo ayaa madaxweyne Kenyatta uga mahadcelisay dhiirrigelinta shaqaalaha safaaradda iyo inuu garab ku siiyay fulinta mashaariic wax tar leh.
Hoggaamiyaha dalka ayaa dhanka kale xaqiijiyay in Kenya ay sii adkeyn doonto xiriirka labo geesoodka ah ee kala dhexeya dowladda Switzerland.