Faahfaahin: Khasaaro ka dhashay dab ka kacay suuq ku yaalla Muqdisho

0
378

Waxaa lagu guuleystay in la damiyo dab xalay ka kacay suuq ku yaalo isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Dabka oo kacay abaaro siddeedi fiidnimo ayaa soo gaaray ilaa saqdii dhaxe ee xalay.
Goobo ganacsi oo kala duwan ayaa dabkaasi xalay ka kacay suuqa isgoyska Banaadir baabi’iyay .
Cabdiqani dhaloole agaasimaha gurmadka degdega ah ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in dabkan sidoo kale dhaawacyo uu ka soo gaaray qaar ka mid ah shaqaalaha dab-damiska.
“Qaar ka mid ah shaqaalihii ku mashquulsanaa inay dabka damiyaan ayaa dhaawacyo kala duwan oo fudfudud ay soo gaareen waana dhaawac la maareyn karo oo ma aha wax culeys keeni kara”, ayuu yiri Mr Cabdiqani
Xaawo AxmAd Yuusuf oo suuqa gubtay ku lahayd Carwo ayaa warbaahinta u sheegtay in hantidii halkaasi u taalay ay wax yar uga badbaaday.
“Wax yar oo aan waxbo ahayn, dhar yar ayaan hadda meel geynay oo uga nimid , waana calalo yaryar oo meeshan hore yaallay gudaha lamaba galin waa bislaatay” ayay Tiri
Ganacasatada ay wax un u badbaadeen ayaa ka walwalsanaa intii uu dabka socday in laga dhaco alaabta maadama xili habeen ah ay ahayd.
Maryan jaamac Aadan waxay u soo gurmaday labo walaalaheed ah oo carwooyin uga gubteen suuqa waxa ay sheegtay in intii uu dabku socday ay tuugo rabtay in ay suuqa boobaan ay soo weerareen.
“Tuugo baangado, mindiyo iyo toorreeyo wadato ayaa na soo weerartay, dadkii soo gali lahaa xitaa iyaga ayay ka soo gali waayeen, haddii aysan ahayn ciidanka dowladda dadka ayay naga dili lahaayeen oo ay laayni lahaayeen,” ayay tiri Maryan
Suuqa Banaadir ayaa sanadihii ugu dambeeyay sii balaaranay maadama ganacsata ay goobahooda ganacsi u furanyihiin ilaa habeenkii xili dambe halka suuqa bakaaraha intiisa badan la xiro maqribka markii lag gaaro taa oo keentay in ay helaan macaamiil aad u badan.