Guddoomiyaha golaha shacabka iyo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo kulmay

0
428

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamad Nuur (Madoobe) ayaa maanta salaan iyo hambalyo ugu tagay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ay doorteen Baarlamaanka labada Aqal.
Labada mas’uul ayaa kulan koodu ahaa is xog-wareysi iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa geedi socodka nabadda iyo xasilooni siyaaseed oo wadajir ah.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la yeesho saamileyda siyaasadeed ee dalka ka hor inta uusan si rasmi ah xilka ula wareegin.