Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmad ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee wadanka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka dib markii uu xalay ka guuleystay Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Abiy ayaa sheegay in uu si dhow uu la shaqeyn doono madaxweynaha cusub, ayna iska kaashan doonaan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo danaha gobolka.
Hadalkan ayuu ku sheegay farriin uu Abiy soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka.
I would like to congratulate former President @HassanSMohamud on being re-elected as the President of the Federal Republic of Somalia. I look forward to working closely with you on common bilateral and regional interests.
— Abiy Ahmed Ali 🇪🇹 (@AbiyAhmedAli) May 16, 2022
Xasan Sheekh ayaa helay 214 cod halka Farmaajo na uu helay 110 cod, waxaa codeysay 327 xildhibaan ee labada aqal ee baarlamaanka.
Waxaa doorashada u tartantay in ka badan 30 murashax uu ku haray wareeggii koowad iyo labaad ee codbixinta oo ahayd mid aad u adag.