Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Siyaasiyiinta oo looga digay inay habeenkii shirar qabtaan

Siyaasiyiinta oo looga digay inay habeenkii shirar qabtaan

Siyaasiyiinta ka soo jeeda ismaamulka Laikipia ayaa looga digay in ay xilliyada habeenkii qabtaan shirar la xiriira arrimaha doorashad guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan, taas oo wax u dhimi karto xasiloonida dowlad deegaankaasi.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Laikipia, Joseph Kanyiri ayaa xusay in siyaasiyiinta amarkan ku xadgudba lala xisaabtami doono.
Hadalkan ayuu guddoomiyaha ka jeediyay munasabad hal ku dhigeedu ahaa “Ilaali nabadda ka hor, inta lagu jiro iyo ka dib doorashada guud”.
Waxaa uu intaasi ku daray in siyaasiyiinta doonaya inay qabtaan shirarka noocaan ah ay tahay inay marka hore fasax ka qaataan laamaha ammaanka.
Mr.Kanyiri ayaa dhanka kale ugu baaqay musharraxiinta u hanqal taagaya xilalka kala duwan ee hoggaanka, laga doonaya in ololahooda siyaasadeed uu noqdo mid nabad ah, ayna ka waantoobaan wax kasta oo fowdo iyo khilaaf keeni kara.
Waxaa uu sidoo kale guddoomiye xaafadeedyada iyo ganacsatada ismaamulka Laikipia ku boorriyay in dadka deegaanka ay ku baraarujiyaan midnimo, si doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan ay u noqoto mid nabad ku qabsoonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments