Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Wafdi maraykanka ka socda oo maanta Hargaysa

Wafdi maraykanka ka socda oo maanta Hargaysa

Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland waxaa maanta gaaray Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka oo ka yimid waddanka Jabuuti.
Wafdigaan oo diyaarad Millateri ay keentay Garoonka diyaaraha Cigaal ee magaalada Hargeysa ayaa Wararka qaar ee la helayo waxay sheegayaan inuu hoggaaminayo taliyaha ciidamada Maraykanka ee saldhiggoodu yahay Jabbuuti & ayna qeyb ka yihiin Diblomaasiyiin kale oo Maraykan ah.
Wafdiga ka socda Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka waxay la kulmayaan Mas’uuliyiinta Sare ee Soomaaliland, iyagoo kala hadli doona arrimo dhowr ah.
Sidoo kale Wararka la helayo ayaa sheegaya in Wafdiga ay booqan doonaan Dekadda magaalada Berbera oo ay gacanta ku heeyso Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka imaaraadka.
Booqashadaan ay Maanta ku tageen Magaalada Hargeysa Wafdiga ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa timid kadib markii dhawaan madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu booqasho ku tegay Mareykanka, isagoo wada-hadallo la yeeshay Madax ka tirsan dowladda Mareykanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments