Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maalinkii labaad oo xiriir ah waxaay kulan ku yeelanayaan Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, iyagoo dhageysanaya khudbaha ay jeedinayaan shaqsiyaadka musharaxiinta ah ee u taagan xilka ugu sareeya Soomaaliya.
Sida uu qorshuhu yahay maanat waxaa khudbadahooda jeedin doona 19-ka Musharrax oo xilka Madaxweynaha u taagan kuwaasoo baarlamaanka labadiisa gole u soo bandhigi doona barnaamijyadooda siyaasadeed ahana qaybta ugu danbaysa ee khudbado jeedinta.
Xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka oo shalay aad u yaraa hoolkana uu ahaa inta badan mid faaruq ah ayaa waxaay dhageysteen khudbadaha 20 Musharrax, waxana Maanta soo geba-gaboobi doona dhageysiga khudbadaha 39 musharrax ee u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaa aad loo adkeeyay Amniga Teendhada Afisiyooni iyo waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa, iyadoo ay shalay jirtay in qarax ismiidaamin ahaa uu ka dhacay Barta-koontotool ee laga galo Garoonka Aadan-Cadde ee Isgoyska km4 ee Magaalada Muqdisho.
15 Bishaan oo ku beegan Maalinta Axadda ah ee soo socota ayaa la filayaa in Teendhada Afisiyooni lagu qabto doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ku tartami doona 39 musharrax oo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa qofka tartamaya.