Kalonzo Musyoka oo kulan la qaatay madaxweyne ku xigeenka Suudaanta Koonfureed

0
544

Madaxa xisbiga Wiper ahna ergeyga gaarka ah ee dowladda Kenya u qaabilsan arrimaha Suudaanta Koonfureed Kalonzo Musyoka ayaa kulan la yeeshay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Koonfurta Suudaan Riek Machar.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Musyoka ku sheegay in shirka uu qayb ka yahay geeddisocodka nabadeed iyo mideynta ciidamada militariga ee wadankaasi .
Kalonzo ayaa xusay in dhammaantood ay ka go’an tahay sidii maanta iyo xita mustaqbalka ay xasilooni buuxda uga jiri lahayd Suudaanta Koonfureed.
Si loo xoojiyo wada hadallada nabadeed waxaa uu sidoo kale madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka uu magaalada Jubba kula kulmay madaxweyne ku xigeenka afaraad ee Suudaanta Koonfureed Rebecca Garang .
Bishii labaad ee sanadkii 2020, ayay ahayd markii madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir uu si rasmi ah hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar ugu magacaabay madaxweyne ku xigeenka koowaad.
Madaxweyne Kiir ayaa sidoo kale madaxweyne ku xigeenka labaad u magacaabay James Wani Igga ,Taban Deng Gai(madaxweyne ku xigeenka 3-aad) iyo Rebecca Nyandeng Garang oo noqotay madaxweyne ku xigeenka 4-aad ee dalkaasi.