DHAGEYSO:Faahfaahin ka soo baxaysa qarax Muqdisho ka dhacay

0
560

Barqanimadii Maanta ayaa qof la sheegay inuu soo xirtay Jaakad laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay Bar-koontorool oo kutaalla Agagaarka Isgoyska km4 gaar ahaan Ciidanka NISA ee ku sugan halka laga ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Xilliga qaraxa dhacayay ayaa goobjoogayaal sheegeen in Barta koontorool ay ku sugnaayeen gaari uu saarnaa Taliyaha Saadka ee Ciidanka xoogga dalka Janeraal Garabey iyo masuuliyiin kale oo dowlada Soomaaliya ka tirsan.
Sida ay xaqiijiyeen ciidanka booliska Soomaalay hal qof oo ahaa kii naftiis haligay ahaa ayaa qaraxaas ku dhinta waxaana ku dhaawacmay 7 qof ah oo shacab ah oo la geeyay isbitaalada magaalada Muqdisho.
Qaraxaan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmay xilli xaruntii hore ee ciidamada Cirka Soomaaliya Afisiyooni ay Xildhibaannada labada gale ee baarlamaanka Soomaaliya maanta ku dhageysanayeen khudbadaha ay jeedinayaan qaar ka mid ah xubnaha musharrixiinta ah ee u taagan xilka ugu sareeya dowlada Soomaaliya ee madaxweynaha ah.
laamaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan faahfaahin ka bixiyay qaraxaasi.
Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Abdifataah Adan ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay qaraxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here