Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga mucaaradka Soomaaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa Sheegay in hadii 13 bisha Nov ee sanadkaan aysan Doorasho dhicin aanay Madaxweyne sharci ah u aqoonsan doonin Madaxweyne Biixi.
C/raxaamn Cirro oo hoygiiisa magaalada Hargaysa kula hadlay warfidiyeenka ayaa arimo badan oo doorashooyinka ku saabsan soo hadal qaaday wuxuuna sheegay in asxaabta mucaaradka ay isug imaan doonaan kulan arimaha Soomaaliland looga hadlayo wuxuuna Xukuumada ku eedeeyay inaysan doorasho dooonanyn.