Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo maanta Khubdahooda jeedinay

0
494

Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaay kulan wadajir ah ku yeelanayaan xarunta Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaannada ayaa waxaa Maanta hortagaya 20 kamid ah musharrixiinta Madaxweynaha, kuwaasoo khudbadahooda musharraxnimo ka hor jeedin doona baarlamaanka, waxayna soo bandhigi doono musharrax kasta waxyaabaha uu qaban doono hadii uu ku guuleysto xilka dalka ugu sareeya.
Ammaanka Teendhada Afisiyooni ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la xiray dhamaan waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa, iyadoo sidoo kale Ammaanka Guud ee Xerada Afisiyoobi ay la wareegeen Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.
Maalinta Berito ah ayaa la soo geba-gabeyn doonaa dhageysiga khudbaha musharrixiinta oo gaaraya 39 Musharrax,
Magacyada shaqsiyaadka isku soo sharacay xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa kale ah.
1. Shariif Shiikh Axmed.
2. Hassan Sh.Maxamuud.
3. Dahir Maxamud Gelle.
4. C/qadir Cosoble Cali.
5. C/laahi Cali Xasan.
6. Jamaal ibraahim Cabdi.
7. Cadow Cali Gees (Abgaal)
8. Maxamed Cabdiraxman Siriini.
9. Cumar Cabduqaadir Axmad.
10. Jabriil Ibraahim Cabdulle.
11. Nucmaan Sh.Tuurre.
12. Thabit cabdi Maxamed.
13. C/raxman Cabdishakuer Warsame.
14. C/raxman Ablaal.
15. Saciid Ciise Maxamuud.
16. Axmad Geelle Ducaale Xaaf
17. Mahad Ahmed Diiriye.
18. Maxamuud Daahir Aweys.
19. C/Karim Xuseen Guuleed.
20. C/naasir Cabdull Maxamed
21. Xasan Cali Kheyre
22. Cabduqadir Jahwayn
23. Cismaan Xasan Wehliye
24. Saciid Cabdullahi Deni
25. Maxamed Amiin faarax.
26. Maxamad C/lahi Farmajo
27. Cabdi Cali Xasan.
28. Cabdi Aadan Hoosow
29. Maxamad Cabdi Kuusow.
30. Bashiir Xaji Cali
31. C/raxman Maxamed.
32. Ridwaan Xirsi Maxamad.
33. Fowziya Xaaji Yuusuf.
34. Mukhtaar Maxamad Sayid
35. Cabduqadir Sh.Cali Baqdadi.
36. Sakariye Maxmuud Xaaji.
37. Dr.Husein Abdi Nunow.
38. C/Nuur Sheekh Maxmed
39. Abukar Aadan-Cadde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here