Saraakiisha booliska ee dalka ayaa guda galay howlgallo ka dhan ah saddex eedeysanayaal oo la rumeysan yahay in ay ka dambeeyeen dilal loo gaystay haweeney , wiilkeeda oo 8 sano jir ahaa iyo nin la sheegay in ay sheeko saaxibtinimo ka dhexeysay.
Dadkan ayaa looga takhalusay guri ku yaalla wadada Jogoo Road ee magaalada Nairobi.
Ciidamada dambi baarista ayaa sheegay in la helay meydadka haweeneyda iyo wiilkeeda oo is ag-yaalla.
Meydka saddexaad ayaa laga soo helay musqusha dhexdeeda iyadoo qofkaas gacmihiisa iyo lugihiisa la isku xiray.
Wararka ayaa intaa ku daraya in saddexda meyd la geeyay goobta meydadka la dhigo ee Chiromo Funeral home si qallin baaritaan ah loogu sameeyo.