Guddiga isku-dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha lagana soo kala xulay labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta soo geba-gabeeynaya diiwaangelinta musharrixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Guddiga oo diwaangelinta soo bilaabay 8-dii Bishaan ayaa diiwaangeliyay ilaa 32 Musharrax, waxaana Maanta la filayaa in la diiwaangeliyo Musharrixiin kale oo doonaya inay u tartamaan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Maalinta Beri oo Arbaco ah ayaa waxaa bilaaban doonta khudbadaha ay musharrixiinta u jeedinayaan Xildhibaannada labada gole oo ku shiri doona xaruntii hore ee Ciidamada Cirka Soomaaliya Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.
15-ka Bishaan oo ku beegan Maalinta Axada ah ee soo socota ay qorshuhu yahay hadii aan wax isbedelin in la qabto doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ku tartami doona musharrixiin qaarkood horay Madaxweynayaal uga soo noqday Soomaaliya iyo kuwo cusub.