Ugu yaraan 44 qof oo ku dhimatay rabshad saameysay xabsi ku yaalla Ecuador

0
438

Ugu yaraan 44 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dalka Ecuador ka dib markii ay rabshad sameyeen maxaabiista ku jira xabsi halkaasi ku yaalla.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inay xabsiga Bellavista ku dhex dagaallameen xubnaha kooxo burcad ah oo iska soo horjeeda oo halkaasi ku wada xiran.
Taliyaha booliska Fausto Salinas ayaa laga soo xigtay in gacanta lagu soo dhigay 112 ka mid ah maxaabiistii goobta ka baxsaday halka 108 kale aan weli la soo qaban.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Ecuador ayaa sheegtay in xabsigaasi laga wareejiyay 6 ka mid ah horjoogayaasha kooxaha dagaallamay iyadoo amniga xabsiga aad loo adkeeyay.
Tan iyo bishii labaad ee sanadkii hore , waxaa rabshado saameeyay xabsiyada dalkaasi ku dhintay 350 maxaabiis ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here