Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Haweeneydii hoggaaminaysay Myanmar oo la xiray 5 sano

Haweeneydii hoggaaminaysay Myanmar oo la xiray 5 sano

Maxkamad uu maamulo militariga dalka Myanmar ayaa haweeneydii wadankaasi hoggaaminaysay ee xilka laga tuuray Aung San Suu Kyi ku xukuntay 5 sano oo xabsi ah.
Waxay horay u wajahaysay dacwado badan oo la xiriira musuqmaasuqa.
Suu Kyi oo xilka laga xayuubiyay sanadkii hore ayaa iska fogeysay eedeymaha ah inay siyaasi qaab laaluush ahaan ah uga qaadatay dahab iyo boqolaal kun oo doolar.
Hasa ahaate taageerayaasheeda iyo khuburrada madaxa bannaan ee sharciga ayaa maxkamadeynta iyo xukunka lagu riday haweeneydan ku tilmaamay mid aan caddaalad ahayn.
Waxay ku sheegeen qorsho la doonayo in lagu sharciyeeyo maamulka militari sidoo kalena Suu Kyi looga hor istaago inay si firfircooni leh dib ugu soo laabato saaxadda siyaasadeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments