DHAGEYSO:Guddiga doorashada gudoonka golaha shacabka oo isku khilaafsan xildhibaanada hoolka galaya maanta

0
604

Xubnaha Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa isku khilaafsan in doorashada Maanta ka dhaceyso Afisiyooni ay ka qeyb galayaan Xildhibaannada lagu doortay Gobolka Gedo.
lix xubnood oo kamid ah Guddiga ayaa Warbaahinta la hadlay waxayna sheegeen in Xubnaha lagu kala doortay Ceelwaaq & Garbahareey ee Gobolka Gedo aysan ka qeyb galeyn Kulanka Maanta ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa kuxigeen.
Hayeeshee Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed wuxuu sheegay in Qaar kamid ah Xubnaha Guddiga uu Guddoomiyaha u yahay ay si qaldan Warbaahinta ula hadleen, balse cidda ka qeyb galeysa Kulanka doorashada Maanta la kala cadeyn doono.
Sidoo kale Guddoomiyaha wuxuu sheegay inay raaci doonaan amarka Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka ayna la Shaqeyn doonaan liiska uu bixiyo, isagoo nasiib darro ku tilmaamay hadallada qaar oo ay sheegeen Xubnaha kale ee Guddiga doorashooyinka Guddoonka Golaha Shacabka.
Xubnaha warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in si ay amaanka xildhibaanada u sugnaado aysan marnaba doonayn inay hoolka tagaan xubnaha lagu muransan yahay taasina ay tahay waajibaadka gudoomiyaha cusub ee la dooran doono laga sugayana inuu xalkeeda keeno.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here