Wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Ruushka ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay oo ay xoreysay gobolka Kherson ee ku yaalla Koonfurta wadanka Ukraine.
Wakaaladda wararka ee Interfax oo soo xiganaysa taliyeyaal sar sare oo ka tirsan waaxda difaaca ee xukuumadda Moscow ayaa sidatan ku warrantay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada qalabka sida ee Ruushka ay sidoo kale gacanta ku dhigeen qaybo ka mid ah gobollada Zaporizhzhia , Mykolaiv iyo Kharkiv ee dhaca bariga caasimadda Ukraine ee Kyiv.
Ruushka ayaa tan iyo 24-kii bishii Labaad ee sanadkan duullaan militari ku haya dalka Ukraine.