Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliy Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar hal maalin qaadan doona ugu amba baxay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas uga qeyb galaya shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ba’an ee ka jira dalalka Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saarayo xaaladda abaarta Soomaaliya.
Shirka oo ay ka soo qeyb gali doonaan madax sarsare iyo wasiirro ka kala socda dalalka deeq bixiyaasha ah ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya oo ka dhalatay abaaraha ba’an ee dalka ku dhuftay.