Musharaxiinta gudoonka baarlamaanka oo maalinkii labaad Khudbad jeedinaya

0
485

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maalintii labaad oo xiriir ah ay Maanta Xarunta Villa Hargeysa ku yeeshaan mid kamid ah kulmada xasaasiga ah ee Golaha Shacabka.
Agendaha kulanka Maanta ayaa ah hadal jeedinta murashaxiinta u tartamaya Xafiisyada Guddoomiye xigeenka 1aad iyo 2aad ee Golaha Shacabka, waxaana Xildhibaannada xalay loo diray farriimo lagu ogeeysiinayay in Maanta kulanka soo xaadiraan.
Shalay Kulankii Golaha Shacabka waxaa khudbadahooda musharraxnimo jeediyay musharrixiinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ilaa todobo gaaraya, kuwaasoo mid kasta uu soo bandhigay waxa uu qaban doono hadii uu guuleysto xilka afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya.
27 Bishaan oo ku beegan Arbacada todobaadkaan ayaa la filayaa in la qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa kuxigeen, waxaana kasii horeeya oo 26 Bishaan la qabanayaa doorashada Guddoomiyaha Aqaka Sare iyo labadiisa kuxigeen.
Dhanka kale Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer maamul Goboleed eeHir-Shabeelle ayaa lagu wadaa inay maanta Magaalada Jowhar ku qabtaan doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop#009.
Kursigaan ayaa kamid ah kuraasta ugu dambeeysa ee ka harsan Golaha shacabka, waxaana Maanta ku tartamaya Musharrixiinta kala ah Cabdisataar Cabdisalaan Sheekh Xassan Barsane oo kursigaan horay ugu fadhiyay iyo Cali Xassan Ibraahim
Shalay ayaa Guddiga doorasshhooyinka Hir-Shabeelle ay Shahaadada musharraxnimo guddoonsiiyeen musharrixiinta kursiga Hop#009 iyadoo Ammaanka Magaalada Jowhar si weyn loo adkeeyay..
Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa u harsan hadii Maanta la qabto doorashada kursiga Hop#009 Saddex kursi oo ay ku kala fadhiyaan Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Amniga ee hadda Cabdullaahi Maxamed Nuur & Kursiga ay ka geeriyootay Marxuumad Aamino Maxamed Cabdi.