Dalka Soomaaliya oo loo doortay gudoonka hormarinta beeraha dalalka carbeed

0
444

Wafdi uu hogaaminaayo Saciid Xuseen Ciid, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowlada Fedraalka Soomaaliya, ayaa ka qeyb galay Shir ay dalalka jaamacada Carab kaga hadlayeen Horumarinta Beeraha oo lagu qabtay Wadanka Mooritaaniya.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada Wasaaradaha Beeraha ee Carabta Madaxda Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha, Jaamacadda Carabta, Safiirada Dowladaha Carabta iyo wakiilo ka socday Wasaaradaha Beeraha ee Dowladaha Carabeed.
Waxaa Wadanka Soomaaliya loo doortay inay qabtaan Shir Guddoonka Golaha Guud Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta, waxaana shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid, isagoo kala wareegay xilka Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Dalka Mooritaaniya oo horay hogaanka u haayay.