Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee, Abwaan Beddel Jaamac Xirsi oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuum Beddel Jaamac Xirsi uu ahaa abwaan iyo nabaddoon lagu yiqiin samadoonnimo, waddaniyad iyo dal jacayl, isagoo door lama illaawaan ah ka qaadan jirey wacyigelinta bulshada, nabadaynta iyo dowlad-dhiska dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa cambaareeyey weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee Shalay lala beegsaday Xarunta Villa Hargeysa oo uu ka socday kulanka baarlamaanka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto ficillada gurracan ee kooxaha argagixisada loogu yeero, si buuxdana loola shaqeeyo ciidammada geesiyaasha ah ee har iyo habeen u taagan sugidda amniga dalka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuum Beddel Jaamac Xirsi Alle uga baryey inuu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, waxa uuna caafimaad degdeg u rajeeyey muwaadiniinta uu dhaawacu ka soo gaaray falkii lala beegsaday Xarunta Villa Hargeysa.




