Xildhibaanada Soomaaliya ee dhawaan la doorta kuwa qaatay shahaadada xildhibaanino ayaa maanta lagu dhaarinayaa xaruntii hore ee ciidamada cirka Soomaaliya Afisyooni ee magaalada Muqdisho.
Ilaa waabarigii hore ee saaka Xildhibaannada dhawaan la doortay ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa ku qul-qulaya xarunta Afisyooni, halkaasoo lagu dhaarin doono, waxaana la adkeeyay ammaanka xarunta Afisyooni, iyadoo la xiray waddooyinka ka agdhow Garoonka Aadan Cadde.
Waxaa la filayaa in maanta la dhaariyo inka badan 200 oo mudane oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo maalimihii lasoo dhaafay qaatay shahadada xildhibaannimada.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale goob-joog ka noqonaya xafladda dhaarinta, waxaana sidoo kale Muqdisho maanta soo gaaray Xldhibaannada Koonfur Galbeed laga soo doortay,oo qaadanaya shahaadada si ay dhaarinta uga qeyb galaan.
Qaar ka mid ah xildhibaanada maanta la dhaarinayo horayna shahaadada ku qaatay ayaa muhiimada maalinkaan ay shacabka Soomaaliyeed u leedahay ka hadlay.
Dhaarinta xildhibaanada ayaa imaaday ayadoo xalay gudiga doorashooyinka Fedraalka Soomaaliya sheegeen inay fasaxeen 2 kursi oo ka mid ah 4 kursi oo doorashadoodii kadib ay hakiyeen kadib markii ay gudigu sheegeen inaan habraac sax ah loo marin.