Sida uu qorshuhu yahay Saacadaha soo socda ee Maanta ah ayaa la filayaa in xarunta afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo dhaarinta Xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa dooran ee Shahaadada Xildhibaannimo qaatay.
Xalay xoghayeyaasha labada Aqal ee baarlamaana ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay inay tagaan Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye si halkaasi looga qaado loona geeyo Afisiyooni oo lagu dhaaarinayo.
In ka badan 200 oo isugu jira labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Shahaadada Xildhibaannimo qaatay, kuwaasoo Maanta dhaarintooda la bilaabayo, waxaana jira Xildhibaano aan weli qaadan Shahaadada Xildhibaannimo.
Xildhibaannada labada Aqal ee degaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed ayaan kamid ah kuwa aan weli qaadan Shahaadada, iyagoo ka gadoodsanaa kuraas la hakiyay balse xalay Guddiga doorashada fasaxeen qaar ka mid ah, waxaana la filayaa inay Maanta yimaadaan Muqdisho ayna qaataan Shahaadada Xildhibaannimo si ay dhaarta uga qeyb galaan.
Amniga Guud ee aaga xarunta Afisiyooni ayaa aad loo adkeeyay, waxaana Ciidamada Booliska Soomaaliya ay xireen waddooyinka gala & kuwa ka baxa Afisyooni