Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya maanta lagu qabtay Munaasabad balaadhan oo lagu xusayay sanadk Guurada 62 ee ka soo wareegtay aas-aaskii maalinka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee 12-ka April.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa Yuusuf Raage oo munaasabada Khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay qaabka loo maray dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay u mareen xulasho dadka ugu wanaagsan ee ka soo dhalaali kara shaqada qaranka.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo jeediyay Khudbadiisa ayaa hambalyo u diray guud ahaan ciidanka qaranka iyo qoysaskooda wuxuuna ka hadlay taariikhda dahabka ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa xusay in guusha ciidanka qaranka ay sal u ahayd wadaniyad iyo ka go’aanshaha midnimada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatoooyinka laga dhaxlay burburkii iyo qabyaaladii taasoo noqotay in dalka Soomaaliya noqdo mid lagu maadaysta oo ka hooseeya wadamadii uu awal dhankasta uga hormaray.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in midnimadu tahay guusha ugu horaysa ee dadka iyo dalka ay ku hormari karaan wuxuuna tilmaamay in dhibaatooyinka laga dhaxlay ay argagixiso ka mid tahay.
Maxamed C/laahi Farmaajo madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in argagixisadu ay Soomaaliya ku soo dhiiratay markay ogaadeen inay kala qaybsan yihiin
Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in doorashadiisu ahayd isbadal lagu doonayay in madaxbanaanida dalka la ilaaliyo lagana falceliyo waxkasta oo xadgudub ah.
Isagoo faahfaahin ka bixiyay talaabooyinkii uu qaaday oo ay ugu horaysay waxka qabashada faragalintii shisheeye,arimaha socdaalka,la soo wareegida hawada Soomaaliya iyo murankii badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeyay balse hada la soo afmeeray.
Madaxweynahaa ayaa soo hadal qaaday go’aamada arimaha dibada gaar ahaan dowladaha ciloobay ee Soomaaliya aya dhexdhexaad ka noqotay sida arintii dalalka Khaliijka.
Madaxweynaha ayaa arimaha difaaca iyo dhismaha ciidamada qalabka sida khudbadiisa uga hadlay.