Al-Shabaab oo beenisay digniin kasoo baxday hay’adda NISA

0
533

Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay digniin kasoo baxday hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA, taasoo sheegtay in Al-Shabaab ay ka shaqeynayaan shirqool lagu dilayo madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay inuusan haba yaraatee jirin nin lagu magacaabo Maxamad Maahir oo ka tirsan kooxdooda, oo sida hay’adda NISA ay shaacisay loo abaabulay inuu qaarijiyo madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble.
“Waa wax aad loogu qoslo runtii, NISA waxay ogaan waysay markii aan mas’uuliyiinta iyo saraakiishooda xafiisyada iyo xarumahooda ugu dhacaynay, Waxay ogaan waayeen markii aan Yariisoow xaruntiisa isagoo shir kula jira xubnaha maamulkiisa ku beegsanay, waxay ogaan waaweeyn markaan isbuucii hore Xalane u dhacnay, Ma garan karo halka ay ka keeni karaan awoodda ay ku ogaan karaan howlgal aan ku beegsanayno'” ayuu yiri sarkaalkan oo la hadlay warbaahinta Al-Shabaab.
Maalin ka hor ayay hay’adda NISA soo bandhigtay xog amni oo la xariirtay in Al-Shabaab ay maleegayaan shirqoolo ka dhan ah madaxda ugu sarreysa dalka Soomaaliya, waxayna soo bandhigeen magaca nin lagu magacaabo Maxamad Maahir oo fulinaya shirqoolkaas.