DHAGEYSO:Maamulka Jubbaland oo dalbaday in shirka wadatashiga xalane lagu qabto

0
490

Maamulka Jubbaland ayaa sababaha aysan u aqbalin shirkii uu Madaxweynaha Soomaaliya ku baaqay kaas oo xal loogu raadinayo arrimaha doorashooyinka ee lagu Muransan yahay.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo isugu yeeray Madaxda Maamullada shir looga tashanayo doorashada Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayaa sheegay in shaqaaqoyinkii ka dhacay magaalada Muqdisho 19-kii bishaan darteed aan Muqdisho lagu qaban karin shir looga hadlayo doorashooyinka sida uu hadalkiisa u dhigay.
Waxaa ay sheegeen inay muhiim tahay in shirka lagu qabto meel amni ah oo la isku haleyn karo, islamarkaana loo baahanyahay damaanad qaad dhanka Amniga, waxaana uu dalbaday in lagu qabto Xerada Xalane oo ay degan yihiin Wakiillada Beesha Caalamka.