Sanbaloolshe “Xildhibaan aan xor ahayn dadkiisa ma matali karo”

0
717

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda sirdoonka Soomaaliya ee NISA Cabdullaahi Maxamad Cali Sanbaloolshe ayaa Maanta qaatay Shahaadada Xildhibaannimo iyo karaka Aqoonsiga, isaga oo farriin u diray mudanayaasha Cusub ee aan weli qaadan Shahaadada.
Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa sigaar ah ula hadlay Saraakiisha NISA ee ka mid noqday Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in uu qaatay Shahaadada kuna faraxsan yahay, isaga oo ugu baaqay Xildhibaannada kale inay Shahaadada qaataan.
“NISA Taliyaheeda waa qaatay Shahaadada, Hal Taliye ma lahane waa Taliye badan yihiin, waxaa la yiri Aabaha wiilkiisa gabar waa siin karaa, umana guurin karo kumana dhaqi karo, waxaa la rabaa Xildhibaannada dadkii ku dhaqmi lahaa oo dowlad ku hoggaamin lahaa dalka inaa badbaadisaan la idin ku talagalay ee Askar amar qaadata inaa noqotaan la idinkuma tala galin ayuu yiri” Sanbaloolshe
Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamad Cali Sanbaloolshe ayaa ugu dambeyn sheegay in Xildhibaan aan xor ahayn uusan matali karin dadkiisa.