Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Cayaaraha FIFA oo ansaxisay go’aankii Kenya looga mamnuucay cayaaraha caalamka

FIFA oo ansaxisay go’aankii Kenya looga mamnuucay cayaaraha caalamka

Xiriirka caalamiga ee kubadda cagta ee FIFA ayaa maanta si rasmi ah u ansaxiyay go’aankii si ku meel gaar ah Kenya looga mamnuucay ka qayb galka tartamada kubadda cagta ee dunida.
Tani ayaa timid ka dib kulan ay FIFA ku yeelatay dalka Qatar.
Waxaa arrintan shaaca ka qaaday madaxweynaha FIFA Gianni Infantino.
Waxaa uu intaasi ku daray in golaha FIFA uu go’aamiyay in xiriirka kubadda cagta ee wadanka ee FKF sida ugu dhakhsiyaha badan looga hakiyo howlaha cayaaraha ee dunida maadaama uu ka tallaabsaday xeerarka u degsan xiriirka FIFA.
Bishii 11-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii wasiirka cayaaraha ee dalka Amina Maxamad ay kala dirtay xoghaynta iyo xubnaha fulinta ee FKF iyadoo soo xigatay wax isdaba marino lacageed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments