Rw Rooble “Isku gacan ayay ku baxeen xildhibaannad Aamino iyo Ikraan Tahliil”

0
706

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble oo xalay ka hadlayay kulan loogu tacsiyaynayay Alle ha u naxariistee xildhibaannad Aamino Maxamad Cabdi, oo dhawaan iyada iyo dad kale lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in gacanta dishay Aamino ay tahay gacantii ay ku baxday Ikraan Tahliil oo horay uga tirsaneyd sirdoonka Soomaaliya islamarkaana la waayay.
“Waxaan aaminsanahay sida aan u aaminsanahay in aan caawa dhiman karo in Aamino gacanta ka gardaran ee dishay ay ahayd gacantii Ikraan ka dambeysay” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ka hor dhimashadii marxuumad Aamino ay isaga iyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali guudlaawe ka wada hadleen khilaaf ka dhex taagnaa guddiga doorashooyinka ee maamulkaas oo sida uu Rooble sheegay guddoomiyihii la beddelay uu doonayay in kursaas uu ka mid yahay kursiga Aamino ay u tartamaysay in cid gaar ah loo xiro.
Ka dib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Hirshabeelle lana magacaabay guddoomiye kale, ra’iisul Rooble wuxuu sheegay in wakhtigaas wax yar ka dib loo soo diray farriimo loogu hanjabayo.
“Walaalkey Cali Guudlaawe subixii dhaweyd ee uu isoo wacay oo ay is khilaafeen guddoomiyaha SEIT ee Hirshabeelle kaas oo doonayay in kuraas u xirnaato oo dad gooniya la siiyo, markii madaxweyne Guudlaawe aqbaly in kuraastaasi la furo oo ila soo xiriiray garabna aan ku siiyay in ninkaasi la beddelo waxaan isla markii aniga madaxweyne Guudlaawe ka wadahadalnay furitaanka kiiskaas oo ay Aamino ka mid tahay in dhibaato ay soo gaari doonto,” ayuu yiri Rooble.
Isaga oo arrintaa ka sii hadlaya ayuu hadalkiisa waxaa uu raaciyay:”Ilaahaa iga sarreeya wax saacad ka yar ka dib fariimo ayaa ii soo dhacay waan hayaa oo la ileeyahay kursigaas Aamino furitaanka aad furteen boob iyo ujeeddo ayaad ka leedahay laakin waa waxaad ka hesho”. Maxamad Xuseen Rooble ayaa sheegay in dadkii qarashka ku bixiyay dilka Aamino iyo kuwii abaabulayba ay noolyihiin islamarkaana aan laga hari doonin.
“Waa noolyihiin kuwii qarashka ku bixiyay ninkii Xildhibaannad Aamino isku qarxiyay kuwii abaabulay waa noolyihiin laakin in sha Allah, Alle Subxaanuhu Watacaalaa wuu ka soo saarayaa xaqdarada ay galeen mana ka harayno intaan noolahay,” ayuu yiri Maxamad Xuseen Rooble ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.