Dowladda dhexe oo ku baaqday ilaalinta deegaanka

0
454

Afhayeneka dowladda dhexe Cyrus Oguna ayaa sheegay in bilicda deegaanka oo si wayn loo ilaaliyo ay kaalin ka qaadanayso xakameynta saameynta abaarta ku dhufatay 23 ka mid ah ismaamullada wadanka.
Xilli uu ku sugnaa dowlad deegaanka Narok ayuu Oguna hoosta ka xarriiqay in dhirta oo la jaro ay hoos u dhac ku keento bilicda deegaanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in qof walbo oo kenyaan ah ay mas’uuliyad ka saaran tahay inuu geedo abuuro si loo ballaariyo baaxadda keymaha wadanka.
Cyrus Oguna ayaa intaasi ku daray in dowladdu ay mudnaanta koowaad siinayso badbaadinta keynta Mau forest si ay uga faa’iidaan malaayiin qof.