Nin hubeysan oo wiil yar ku dilay magaalada Jowhar

0
888

Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle, ayaa lagu dilay Alle ha u naxariistee Wiil yar oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Sheekh Cismaan.
Dilka wiilkan ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay nin ku labisnaa dharka Ciidanka Dowladda kaas oo watay qorayga nooca AK47.
Waxaa uu wiilka ku dilay bartamaha Magaalada Jowhar.
Marxuumka la dilay ayay da’diisu ahayd 14 sano, wuxuuna ka mid ahaa ardayda wax ka barata dugsiga Hoose dhexe ee Sheekh Xasan Barsane.
Sida ay goobjoogayaal ay warbaahinta u sheegeen dilka Wiilka yar ayaa yimid, ka dib markii Ninka hubeysan uu damac ka galay Mobile uu watay wiilka, ugu dambeyn uu wiilkii yaraa nafta dhaafiyay si uu teleefoonka ugu qaato, isagoo markii dambe goobta uu dilka ka gaystay ka baxsaday.