Maamulka Koonfur Galbeed oo ka falceliyay cabashada fannaankii hore ee wadaadka noqday Axmad Biif

0
682

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in xabsiga la dhigay labo qof oo lagu eedeeyay in ay mas’uul ka ahaayeen falal uu cabasho kasoo soo gubiyay fannaan hore oo fanka ka baxay.
Xarigga ayaa yimid ka dib markii uu muuqaal cabasho ah soo duubay Axmad Cabdikariim Maxamad, oo hadda loo yaqaano “Axmad Kheyr” balse horay loogu yaqaannay “Fannaan Axmad Biif” ka hor inta uusan heesaha iska dhaafin.
Axmad ayaa sheegay in Hooyadiis oo ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed uu dhibaato ku hayo nin ay xaas u tahay.
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta ee maamulka Koonfur Galbeed, Ilyaas Cali Nuur, ayaa sheegay in ninkii hooyada seygeeda ahaa iyo wiil kale oo dhallinyaro ah xabsiga la dhigay.
Waxaa uu wasiirka sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo dhammaan mas’uuliyiinta maamulkaas aysan marna aqbali doonin in qof sharaftiisa wax loo dhimo.
Wiilka lala xiray ninka odayga ah ayaa lagu tilmaamay inuu yahay qofkii muuqaalka ka duubay xilliga loo gacan qaadayay hooyada Axmad Kheyr.
Muuqaalka uu soo duubay fannaanka hore oo hadda wadaad ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay si wayn ugu faafay baraha bulshada.