Wiil dhallinyaro ah oo taleefan dartiis loogu dilay Muqdisho

0
740

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, oo loo gaystay Wiil dhalinyaro ah.
Waxaa uu wiilkan ka mid ahaa dhalinta waxbaratay ee ku sugan dalka Soomaaliya.
Alle ha u Naxariistee Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdinuur Cabdullaahi Warsame (Black), waxaaan uu ka mid ahaa dhallinyarada ku nool magaalada Muqdisho.
Dilka wilkan ayaa ka dhacay Degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.
Koox hubaysan ayaa la sheegay in ay dilka u gaysteen Marxuumka, xilli uu ku sugnaa Gurigiisa oo ku yaalla Warta-nabadda.
Dad Goobjoogayaal ah, ayaa sheegay in dableyda falka dilka ah gaystay ay doonayeen in ay Marxuumka ka dhacaan taleefan uu watay, iyagoo Goobta ka baxdaday dilka ka dib.
Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Laamaha ammaanka, islamarkaana ilaa hadda aynan jirin cid loo soo qabtay dhacdadan.
Waxaa sidoo kale jirin wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha ammaanka ee Gobolka Banaadir.